Booliska oo Mamnuucay in Bajaajta Shaqeyso Wixii ka Dambeeya 12:00PM

0

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa mamnuucay in Mootooyinka bajaajta loo yaqaan aysan socon karin wixii ka dambeeya 12:00 saq dhexe ama lix saac habeenimo.

Afhayeenka Booliska Somaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in wixii ka dambeeya lix saac oo habeenimo la mamnuucay inay socdaan Mooto Bajaaj

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in talaabadaan ay la xiriirto hawlgallo ka socda Magaaladda Muqdisho, kuwaasoo burcadda looga hortagayo.

Afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in uu geba-gabo yahay wajiga koowaad oo howlgalka loogu maga daray samakaab, kaasoo lagu soo qabtay kooxo burcad ah iyo kuwo waxyaabo maanka dooriya isticmaala.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here