Puntland oo Garoonka Boosaaso u Diiday Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya

0

Ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka JFS, Xil.Sacdiya Xaaji Yaasiin ayaa laga ciliyey garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, halkaasi oo wararku sheegayaan in ay ka dejin lahayd gargaar bin’adanimo.

Ciidamo ka Tirsan kuwa Puntland ayaa gaar ahaan kuwa PMPF, ee taageeradda ka hela Dowladda Imaaraadka carabata ayaa u diiday in Xildhibaanadda in ay ka dagto Garoonka Magaaladda Boosaaso.

Ciidanka PSF ayaa dhankooda doonayey in garoonka diyaaradaha laga soo dajiyo diyaaradda ay lasocotay wafdiga dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, laakiin ciidanka Imaaraatka ay maamulaan ayaa diiday in diyaaraddan ay dagto.

Iska hor imaad u dhaxeeyay labada ciidan ayaa ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaaradaha magaalada Boosaaso ee Gobolka bari,lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xukuumadd Puntland ay amartay in garoonka diyaaradaha Boosaaso laga celiyo, diyaarad ay saarnayd Kusimaha Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ahna Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Salaad Samatar, taas oo siday deeq Gargaar ah oo loogu talo-galay dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

Xildhibaanadd Sacdiya oo kasoo jeeda deegaannada Puntland, ayaa maalmo kahor oo ay tagtay Magaaladda Garoowe si maqaam hoose ah loo soo dhaweeyey.

Diyaaradda ayaa hawada laga ceshay, taas oo muujinaysa xariirka Puntland iyo Federaalka in uusan aheyn wali mid dhameystiran, xili ay soo baxayaan macluumaad hoosadyo sheegaya in labada dhinac aysan isku faraxsaneyn.

Madaxweynaha Puntland oo ku guuldareystay helida Jagada Madaxweynaha iyo tan Raisulwasaaraha,wuxuuna dhawaan eedeen u jeediyay Dowladda Dhexe ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Ma jiro wax war ah oo ilaa haatan kasoo baxay  Madaxtooyadda Maamulka Puntland  oo loogu hadlaayo Is hor istaaga Wafdiga Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here