Macalin Si Weyn Loogu Yaqaanay Magaaladda Muqdisho oo La Dilay

0

Kooxo hubeysnaa ayaa Saakay Magaaladda muqdisho ku dilay Mid kamid ahaa Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaala magaaladda Muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Degmadda Dharkinley ee Gobolka Banaadir,gaar ahaan suuqa Degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in muran uu dhax maray macalinka la dilay oo Lagu Magacaabi jirey Cusmaan Axmed Macow, oo kamid ahaa macalimiinta wax ka dhiga Jaacadda Horseed ee magaalada Muqdisho, iyo kooxda burcada ah, waxaana dilka kadib burcada macalinka kasii qaateen moobeel uu watay iyo agab kale.

Dilkan loo geestay Macalin Cusmaan Axmed Macow waxaa aad uga naxay eheladiisa iyo sidoo kale ardaydii uu macalinka u ahaa, waxaana baraha bulshada laga dareemayaa tacsida macalinka gardarada loo dilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here