Wasiirka Maaliyada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo qoraal soo saaray ayaa diiday in uu hortago Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud oo dhawaan looga yeeray isaga oo sababeeyay waxa uu ku diiday.
“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.


