Ciidanka kamandooska Danab ururka 5-aad ee guutada 16-aad oo ay is kaashanayaan Ciidanka Nabad sugidda Jubaland ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegamada galbeedka magaalada kismaanyo.
Saraakiisha Ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyey inay hawlgalka ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab,sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen afar maxbuus oo ka mid ahaa Al-shabaab.
Dhinaca kale Ciidanka ayaa hawlgalkoodan ku furtay hubkii ay ku hawlgalayeen Al-shabaab iyo hal Gaari oo nooca Raaxadda ah sidoo kale Ciidanka ayaa gubay laba Gaari oo Al-shabaab ku hawlgeli jirtay,ciidanka ayaa sidoo kale fashiliyey Qaraxyo ay diyaarisay Al-shabaab,saraakiisha Ciidanka ayaa soo bandhigay qaraxyada ay fashiliyeen.






