Hooyada dhashay Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax ayaa si kulul ugu hadashay hadalkii kasoo yeeray Agaasimihii Hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Maamo Qaali Guhaad oo kasoo muuqatay baraha bulshadda ayaa sheegtay in wax lala yaabo ay tahay hadalka kasoo baxay Fahad Yasiin,waxayna sheegtay in Gabadheeda ay ku maqan tahay gacanta Fahad.
Waxa ay sheegtay in dacwada gabadheeda aysan ka hari doonin illaa ay maxkamad horkeento ragga ay ku tuhunsan tahay, waxayna hadalka Yaasiin ku tilmaantay mid aan nuxur laheyn iyo been la soo dhoodhoobay.
“Gabadheyda Ikraan waxaa la waayey sanad ka hor, muxuu intaas u aamusnaa oo u sheegi waayey arrintan, waa beentiis raggan masuuliyiinta ah ee eedeeyeyna lug kuma laha, aargudasho ayuu wadaa, gabadheyda isaga iyo ragga la shaqeeya ayey ku maqan tahay” ayey tiri Maamo Qaali.
Fahad Yaasiin ayaa dilka Ikraan Tahliil dusha u saaray saddex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasoo kala ah Rooble, Mahad Salaad agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala, Mahad Karataay oo Shabaab ka Tirsan.

