Al-shabaab oo Ka Hadlay Qarax Lala Beegsaday Taliye Farxaan Qaroole.

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax lala beegsaday Kolonyo uu la socday taliyaha Ciidamadda Police-ka gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole.

Qoraal ay soo saareen Al-shabaab ayay ku sheegeen in qarax qorshaysnaa in lala beegsaday Taliyaha,islamarkana uu jiro khasaare soo gaaray kolonyadda.

Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray ilaaladda gaarka ah ee Taliyaha Ciidamada Police-ka gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole,balse uu isaga ka badbaaday.

Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lala eegtay mid ka mid ah kolonyadii galbineysay Farxaan Qaroole, waxaana la xaqiijiyey in gabi ahaanba uu burburay gaariga uu qaraxu haleelay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here