Guddiga doorashooyinka beelaha Banaadiriga ayaa bilaabanaya qabashadda doorashadda Xubnaha Banaadriga ee ku matalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 25 Bishaan oo ku beegan Maalinta Jimcaha ah Magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada Shanta Kursi.
Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyay Shariif Maxamed Cumar,Hop#266 oo ay ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed Hop#105 uu ku fadhiyay Jeylaani Nuur Iikar,Hop#084 ay ku fadhisay Fahma Axmed Nuur iyo Hop#034 oo uu ku fadhiyay Khaalid Macoow Cabduqaadir.
Dhanka kale Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa sheegay in la xaliyay cabashadii sababta u aheyd in hakad gasho doorashada.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal wuxuu halkan ku shaacinayaa in Guddigii uu Ra’iisul Wasaaruhu u xil-saaray xallinta khilaafkii ka dhashay kuraasta Banaadirigu ay xalliyeen buuqii ka dhashay kuraastaas. Sidaas awgeed waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha doorashada ku wargelinaynaa in la fasaxay qabashada doorashadooda, diiwaangelintuna ay billaabanayso”,ayaa lagu yiri qoraalka Guddiga.

