Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo Go’aano Soo Saaray

0

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ka warbixiyay howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka iyo halka ay marayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in doorashadda ay si xowli ku socoto.

Waxa uu sheegay in guddiga uu hakiyay ku dhawaaqista Natiijadda doorashadda kursiga Hop086 ee Golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddiga wali uu ku taagan yahay go’aankii uu ku hakiyay kuraasta HOP103 iyo HOP154.

Labada kursi ee kala ah #HOP154 waxaa ku soo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, balse Guddigu sheegay in aan loo marin habraacii saxda ahaa, maadaama gabadha la tartantay aysan da’deeda gaarin 25 sano jir, sidoo kale Kursigii Jawaari ku fadhiyay #HOP103 ayaa isna weli sidiisa ah.

Guud ahaan waxa uu sheegay  Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT Muuse Geelle Yuusuf in la doortay 165 Xildhibaan 110 kalena ay harsan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here