Doorashadda Shan Kursi oo Maanta Ka Dhacaysa Magaaladda Kismaayo

0

Magaaladda Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land waxaa maanta lagu qabanayaa doorashadda kuraas kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaaalka Soomaaliya.

Ilaa shan kursi ayaa maanta lagu dooran doonaa Magaaladda Kismaayo sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Maamulka Jubbaland.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanaayo ayaa kala ah Hop072, Hop 079, Hop112, Hop 130, iyo HOP 136.

Xubnaha maanta kuraasta u tartamaayo waxaa kamid ah Xildhibaan C/rashiid Xidig oo kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha ee maamulka Jubbland.

Amaanka Magaaladda Magaladda Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay,waxana amniga si wadajir ah u sugaya ciidamadda kala duwan ee Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale waxaa magaaladda laga dareemayaa cabasho ay muujiyanayaan qaar kamid ah musharixiinta oo loo diiday in  kuraas maanta la dooranayo ay u tartamaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here