Ciidamada Xoogga Dalka oo La Wareegay Saldhigyo Al-shabaab

0

Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed gaar ahaan ururka 64 aad hurintiisa 2aad aya howgalo lagu baacsanayo Al shabaab ka sameeyay tuulooyinka Tabeelaha Iyo Cali Gaad oo hoostaga degmada Walaweyn ee gobolka shabeelaha hoose.

Taliyaha hurinta 2aad ee ururka 64 ciidanka xoogga dalka s/le Yaxye Nuur Maxamud oo howgalkan xogtiisa la wadaagay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay bur buriyeen Saldhigyada Shabaab  ay baada kaga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Waxa uu sheegay in deegaanka ay haatan ku sugan yihiin ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay qorshaynayaan in ay gaaraan deegaano kale oo Shabaab ay ku sugan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here