Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay qabashadda doorashadda 3-kursi oo kamid ah Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Doorashada Kuraasta golaha shacabka ee kala ah HOP#147, HOP#035 iyo HOP#055, ayaa maalinta khamiista lagu qaban doonaa Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.
HOP#147, oo afartii sano aynu soo dhaafnay uu ku fadhiyay Xildhibaan Mahad Salaad ayaa kamid ah kuraasta bari lagu dooranayo Magaalada Dhuusa-mareeb.


