Qoor-qoor oo Kulan Isugu Keenay A.A.W, Kulane iyo Saadaq+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Maamulka Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), ayaa xildhibaanadda Cusub ugu baaqay in ay iska cafiyaan wixii dhexmaray,islamarkaana ay kawada shaqeeyaan danta Galmudug.

Xildhibaanadda Cusub ee Dhuusa-mareeb lagu doortay ayaa dhankooda sheegay in ay iska cafiyeen wixii qalad ahaa ee dhacay,islamarkaana ay xiligaan diyaar u yihin in ay kawada shaqeeyaan danta Galmudug iyo tan  Soomaaliyeed.

Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan ayaa kamid ahaa xubnihii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday hoyga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame,kaasi oo dhacay sanadkii 2017-kii.

Sanadkii 2021-kii Xildhibaan Saadaq Joon ayaa ka hor yimid muddo kordhin uu sameystay Madaxweynaah waqtiga uu ka dhamaaday,wuxuuna kadib kulan iscafin ah la yeeshay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here