Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya hoobiyayaal lagu garaacay Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Dhowr Madfac ayaa Ku dhacay Gudaha Iyo Agagaarka Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif Ee Baladweyne.
Garoonka ayaa waxaa Ku sugnaa Madaxweyne Ku-Xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-Gabeed, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Saraakiil Iyo Xubno Kale, Kuwaasi Oo Isu diyaarinayay soo dhaweynta Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Ilaa haatan lama ogo khasaaraha ka dhashay madaafiicda lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Beledweyne.

