Maamulka Garbahaarey ee DFS oo U Diyaar Garoobay Doorashadda Golaha Shacabka

0

Maamulka Degmadda Garbaharey ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in doorashadda Xildhibanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya lagu qaban doono Degmadda.

Taliyaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka ee Degmadda Gar-bahaarey ee Maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen qabsoomidda doorashadda.

Waxa uu sheegay In Ciidamo badan lagu daadiyay Magaaladda,islamarkaana kuraasta taala Degmadda aan lagu qaban doonin Magaaladda Kismaayo ayna u diyaar garoobeen dhankooda.

Wuxuu sidoo kale taliyaha uu sheegey in ay marwaliba ay heegan ku jiraan ayna qadayaan howlgalo lagu baacsanayo dadka falalka amni darada ka sameeya Gobolka.

Hadalka taliyaha Nabadsugidda Gobolka Gedo ayaa waxa uu ku soo aadayaa  iyadoo magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ay martigalineyso doorashadda aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here