Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka  Magaaladda Kismaayo

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubba-land.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagaliyay ayaa haleeyay gaari ay la socdeen dad safar ahaa.

Waxaa la sheegey in uu qaraxaan uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac kaas oo soo gaarey dad shacab ah.

Qaraxa ayaa si rasmi ah kaga dhacay  deegaanka Gaabogabdhoole oo u dhow Deegaanka Cabdi dhoore ee Duleedka Magalada Kismayo.

Waxaa goobta uu qarax ka dhacey durbadiiba gaaray Ciidamada Daraawiishta maamulka julaband waxayna halkaasi  ay ka bilaabeen howlgal lagu baadi goobayo cidii ka dambeysay qaraxa.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here