Qaar kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujiyay Ciidamadda la geeyay magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Siyaasi Muqtar Maxamed Cali oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay In tilaabo qaldan loo qaaday ciidamadda la geeyay magaaladda beledweyne.
Waxa uu sheegay in magaaladda Beledweyne ay nabad tahay,balse qorshaha ciidamadaas loo geeyay halkaas ay tahay in lagu boobo kuraasta taala magaaladaas.
Dhanka kale Siyaasi Muqtar Maxamed Cali ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamadda ay qaadeen tilaabo qaldan,islamarkaana arrimaha ciidamadda wax laga weydiinaayo Wasaaradda Gaashaandhiga iyo wasaaradda Amniga gudaha.
Ugu dambeyntii waxa u sheegay in Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu qaaday tilaabo qaldan,islamarkaana uu la shaqeeyo Madaxtooyadda Soomaaliya,iyo Madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay ciidamadda la geeyay beledweyne ayaa sheegay In ciidamadaas ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

