Wararka ka imaanaya Magaaladda Beldweyne ee Gobolka Hiiiraan ayaa ku waramaya in magaaladaas laga dareemayo xiisadd colaadeed.
Xiisadaan ayaa timid kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in magaaladda uu ku wajahan yahay Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Xalay waxaa Magaaladda beledweyne ka dhacay banaanax loogu soo horjeeday Madaxweynaah Hir-shabeelle.
Dadweyne careeysan ayaa dhaxaan ku jaray wadoonyinka qaar ee Magaalada in kastoo markii dambe Ciidamada Booliska Maamulka Hirshabelle ay kala ceyriyeen dadkii banaanbaxa dhigayey iyagoona furay wadooyinka qaar.
Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali Guudlaawe ayaa saakay lagu wadaa in uu gaaro Magaaladda Beledweyne tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Hir-shabeelle.

