Madaxweynaha Dowladd Deegaanka Soomaalida mudane Mustafa Cagjar ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirada Soomaaliya ay uga laabteen Ururka ONLF in loo aqoonsado Urur Argagixiso iyo raalli gelinta dhiibidii C/kariin Qalbi Dhagax ee sanadkii 2017 loogu gacan geliyay Itoobiya.
Qoraal uu soo saaray ayuu kaga hadlay go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
“Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).
Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.
Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.
Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

