Faah-faahino dheeraad ah ayaa Kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Magaaladda muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Maqaaxi ku taal meel ku dhow Xerada Nacnaca oo lagu tababaro ciidamadda xoogga dalka Somaaliya.
Nin isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu beegsaday halkaas, oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo askar ka tirsan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay 6-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, iyo dad shacab ah.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay isbitaalka Digfeer ee Magaaladda muqdisho.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya,waxaana socda baaritaano.
Qaraxyadda ay fuliyaan shaqsiyaadka isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay Magaaladda Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

