Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiska cusub ee ay shalay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran oo go’aano kasoo saaray xaaladda dalka iyo doorashooyinka.
Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka Qaramadda Midoobay kasoo baxay
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku faraxsan tahay in Golaha Wadatashiga Qaran ay shalay gaareen is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka. Qaramada Midoobay waxay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamadan si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo marka la gaaro waqtiga cusub ee la qabtay ee 25-ka Febraayo.
QM waxa ay sidoo kale ku dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed”,ayaa lagu yiri qoraalka Qaramadda Midoobay.

