War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka jubbaland ayaa waxa faahfaahin buuxda looga bixiyay howlgalo qorsheysan oo ciidamada nabad sugida dowlad goboleedka jubbaland ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose.
“Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Jubbaland ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyay xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna baaritaan xooggan ku sameynayaan guryaha iyo gaadiidka dadweynaha.
Howlgaladan ayaa sii socon doona si looga hortago khataraha alshabaab iyo waxkasta oo amniga lid ku ah.
Wararka lagu marin habaabinayo bulshada loogana been sheegayo howlgalada amni ee ka dhacay magaalada Kismaayo waa waxbo kama jiraan aan sal iyo raad laheyn.
Waxaan bulshada Jubbaland ugu baaqeynaa inaysan ku kadsoomin wararka lagu xagal daacinayo amniga, si hufanna ula shaqeeyaan ciidanka amniga”, ayaa lagu yidhi qoraalkan uu Goordhaw soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Jaamac Axmed Cali (Joofane)

