Golaha Watashiga Qaran Oo Laga Dalbaday Inay si Degdeg ah kusoo Saaraan Jadwal Doorasho

0

iyadoo ay dhawaan hakadgasho doorashada golaha shacabka oo si dardarleh ayaa waxa waxa loha watashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin madaxda maamul goboleedyada iyo Raiisul wasaare rooble laga cod saday in ay si degdeg ah usoo saaraan jadwal rasmi ah oo doorashada jeheyn kara waqti xaadirkaan.

qaar kamid ah siyaasiyiinta dalka ayaa sheegay in loo baahanahay in laga faideysto fursada shirarka furmay ee arimaha doorashooyinka si loo dhameystiro doorashada

mid ka mid ah siyaasyiinta dalka oo la hadlay idaacada simba ee muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku saabsan doorashada dalka kasocota oo dhawaantaan hakad gashay

waxaana uu sheegay in hada wali ay jirto fursad dalka culeysyada jira ee ay sababtay doorashada looga saarikaro

siyaasiga ayaana ugu baaqay golaha watashiga qaran ee haatan ku shiraya muqdisho in ay si degdeg ah ula yimaadaan jadwal doorasho oo dhameystikara doorashada qabyada ah.

siyaasiga ayaa sheegay in marxalada ay dalka galisay doorashadu ay tahay mid aad u culus oo saameysay dhan walba sida dhaqaalaha iyo hormarka dalka.

golaha watashiga ayaa maalintii labaad shirgalay ku leh magaalada muqdisho kaas oo ay uga arinsanayaan arimaha doorashooyinka iyo socodsiintooda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here