Iyadoo magaalada baladweyne sacadihii lasoo dhaafay ay kusoo qulqulayeen ciidamo maleeshiyaad ah oo ay wataan general abuurkar iyo sarkaal lagu magacaabo nuur dheere oo dhamaantood kazoo horjeeda mamaulka hirshabeele ayaa waxa xalaada baladweyne ka hadlay guddoomiyaha gobolka hiiraan cali jeyte.
Waxaana uu dhaliil xoogan u jeediyay ciidamada hubeysan ee maleeshiyaad ah oo uu sheegay in ay xiriir laleeyihiin alshabaab maadaama ay duurka islamayimaadaan sida uu hadalaka u dhigay cali jeyte .
Gudoomiyaha ayaa sheegay in marnaba aysan dhicin in rag hubeysan ee maamulka soo weerararya ay la dagaalamaan alshabaab taasina ay tuhu badan galisay isagoo tilmaamay in ay cadahay in xiriir dhaw ay leeyihiin
Dhanale Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in Bandow uu ku soo Rogay magaalada Beladweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in bandowgan ay u sameeyeen si loo xaqiijiyo Amniga Magaalada Beladweyne, loogana hortago wax walbo oo qalqal gelin karo amniga magaalada.
Guddoomiyaha ayaa faray Hay’adaha Amaanka in la dhaqan geliyo lana xoojiyo Xasiloonida Baladweyne.
Xaalada magaalada baladweyne ayaa aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa in uu ka dhaco dagaal xoogan oo udhexeya maleeshiyaadka hubeysan iyo ciidamada dowladda

