Wasaaradda Amniga Gudaha oo Amar Dul Dhigtay Hay’adda NISA

0

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa faray Kusimaha Taliyaha NISA inuu mas’uuliyadda Amniga ee Ciidanka NISA ka hayeen Garoonk diyaaradaha ay ku wareejiyaan Ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan ciidankii ka howlgalayay gudaha garoonka.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabadsugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u hoos-tagi jireen Kaaliyihii hore ee Agaasimihii hore NISA C/llaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo garoonka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here