Muwaadin Soomaaliyeed oo Lagu Afduubtay Gudaha Kenya

0

Ganacsade asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ayaa la la’yahay ka dib markii la sheegay in lagu afduubtay goob uu ku lahaa oo ku taalla magaalada Kyumbi ee ismaamulka Machakos.

Maxamed Xasan, sida ay sheegeen qaraabadiisa, waxaa laga soo afduubtay dukaankiisa oo ku yaalla agagaarka waddada weyn ee Nairobi iyo Mombasa 23-kii Disembar.

Sarkaalka u qaabilsan dambi baarista ee ismaamulka Athi River, John Kanda ayaa sheegay in arintaan lagu soo wargaliyay saldhiga booliska ee Kyumbi uuna ku socdo baaritaan.

“Warbixinta afduubka waxaa lagu sheegay saldhigga booliiska ee Kyumbi, kiiskuna baaritaan ayaa ku socda,” Kanda ayaa u sheegtay Star Arbacadii.

Waxa uu sheegay in Eedeysanaha ay Afduubteen Dad aan la garaneyn oo isticmaalayey Gaari aan la garaneyn Nambarkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, qoyska ninkan ayaa ku andacoonaya in eheladooda ay dukaankiisa ka soo afduubteen dad isku sheegay inay yihiin askar bilays ah.

Walaalkiis Cumar Xasan ayaa sheegay in ay qafaasheen dad iska soo ekeysiiyay ciidamada amniga oo gaaf wareegayay goobta si ay u dhaqan galiyaan shuruucda Covid-19.

“Markii ay shaqsiyaadku yimaadeen oo ay weydiiyeen sababta aysan u xiranayn waji-xidhka, qof walba oo aagga ku sugnaa wuu kala yaacay oo uu ku jiro Maxamed laakiin waxay ka daba tageen dukaankiisa oo ay afuudbteen,” Cumar ayaa yidhi.

Cumar waxa uu ku andacoodey in walaalkii ay af-duubteen afar nin oo watay dhar cad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here