AFRICOM oo Digniin u Dirtay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya

0

Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha xil gaarsiinta.

Qoraal kazoo baxay Taliska oo lagu daabacay Barta Twitter-ka ayaa loogu hadlay xaaladda siyaasadda Soomaaliya,waxaana digniin loogu direy Laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa kaga digay Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya in ku lug yeeshaan khilaafka Madaxda Dowladda,islamarkaana la kala saftaan dhinacyadda is haya.

“Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu si buuxda u taageeraa saaxiibadda beesha Caalamka,wuxuu ku baaqayaa in  la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Ciidamada Soomaaliya waa in ay diiradda saaraan khataraha amni ee kooxaha argagixisada ah ee ugaarsada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”, ayaa lagu yiri qoraal kazoo baxay Taliska AFRIKOM.

Hadalka Taliska Mareykanka ee qaaradda afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa imaanaya iyadoo khilaaf u dhaxeeyo Madaxda Dowladda.

Inta badan xiliyadda uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya waxaa la arkaa saraakiisha Dowladda iyo askartooda oo lakala safanaya Madaxda xiligaas is haysa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here