Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay soo gabagabeynaayaan diwaan galinta musharaxiinta utartamaya lix kamid ah kurasta maamulka jubbaland uu ku leeyahay aqalka hoose ee barlamaanka dalka
Guddiga ayaa sheegay in labadii maalin ee lasoo dhaafay ay diiwaan galin iyo Tababarka ergada wadeen
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa musharax Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 082 gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo isagoo noqday haatan musharaxii ugu dambeeyay ee Guddigu uushaaciyo in la diiwaagaliyay
Cabdiqaadir Maxamuud Dhaqane (Jeylani) gudoomiye kuxigeenka guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Dowlad Goboleed Jubbaland ayaa faah-faahiyay howlihii u qabsoomay sacadihii lasoo dhaafay .
Waxaana uu sheegay in Guddiga uu diiwaan galiyay ilaa iyo 7 musharax kuwaasi oo qaatay shahaadada cadaynaysa musharaxnimadooda isagoo ugu baaqay musharaxiinta kale in ay isku soo diiwaan galiyaan wiixii maanta si maalinta bari ah loo qabto doorashada
Guddiga Doorashooyinka jubbaland ayaa horay 14kii bishani December ku dhawaaqay qabashada doorashada 14 kursi oo kamid ah kuraasta maamul jubbaland ee golaha shacabka
Waxuuna guddigu si rasmi ah markale 23kii bishaan Guddigu u shaaciyay 6 kursi oo Doorashadooda lasoo hormariyay oo doorashadooda la qabanayo usbuucaan

