Wasaaradda Amniga oo Amartay in Dalka Uusan Ka Bixi Karin Taliye CabdiXamiid

0

Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ku amray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in aanu safri karin Sarkaalka lagu magacaabo Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu Sheegay in Cabdixamiid qorsheynayo inuu dalka uga fakado si degdeg ah ayada oo loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn oo uu ku kacay sida ku xadgudubka Madaxda qaranka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here