Dib Udhac kuyimid Shirkii Dhawaan Laiskugu yeeray Golaha Wadatashiga Qaran

0

Warar lagu kalsoonan karo ayaa heshay idaacada simba ayaa waxa ay sheegayaan in si rasmi ah uu dib u dhac ugu yimid shir ay 27 ka bishaan lagu waday in ay iskugu imaadaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Raiisul wasaare rooble

shirkaan oo uu iclaamiyay raiisul wasaare rooble ayaa waxa la filayay in looga hadlo arimo badan oo ku saabsan doorashada dalka iyo qaabka horay loogu socodsiinkaro balse dib u dhac ayaa ku yimid kadib markii ay kacajiideen madaxweynayaasha qaar ee mamaul goboleedyada dalka

maanta oo axad ah ayaa lagu waday in magaalada muqdisho ay soo gaaraan wafuud kasocota maamul goboleedyada si bari shirku ufurmo balse majirto ilaa iyo hada cid soo gaaray caasimada ama saan saan uu aadan in shirka loo diyaar garoobayo.

sababaha uu shirkaan u baaqday ayaa waxa lagu sheegay in madaxweynaha puntland saciid cabdulaahi dani uu dalbaday in muddo todobaad ah lasiiyo si uu iskaga soo xaliyo dhibaatooyin kajira deegaanadiisa gaar ahaana xiisada boosaaso.

baaqashada shirkaan ayaa waxa uu kusoo aadaya xili uu soo ifbaxayo khilaaf xoogan oo udhexeya Raiisul wasaare rooble iyo madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here