Qaar Kamid ah Waddooyinka Muqdisho Oo Saaka Xiran

0

Ciidamada dowladda faderaalka gaar ahaana kuwa booliska ayaa saakay xiray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee Caasimada

qaar kamid ah dadka shacabka ah ayaa idaacada simba u sheegay in saaka ay kusoo kaceen ciidamo farabadan oo lasoo dhaabay waddooyinka qaar ee magaalada muqdisho kuwaasi oo gaadiidka udiidaya isticmaalka wadooyinkaasi.

wadooyinka ay ciidamada dowladdu saaka xireen waxa kamid ah maka almukarama ,isgooska jubba iyo wadooyinka kale oo qeyb ka ah kuwa soo gala degmooyinka waabari iyo xamarjajab.

sababaha waddooyinka loo xiray ayaa waxa lagu sheegay in ay tahay in maanta magalaada muqdisho ay ka dhacayaan dabaaldagyo iyo munaasabado lagu xusayo maalintii la,aas aasay ciidanka booliska oo ku beegnayd 20ka bishaan balse munaasabadoodu ay dib u dhacday shan maalmood

afhayeenka ciidanka booliska soomaaliyeed ayaana si rasmi ah u xaqiijiayay in maanta ay dhacayso munaasabad weyn oo lagu xusayo maalintaas

waxaana lagu wadaa in uu ka qeyb galo madaxweynaha jamhuurida faderaalka soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here