Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Eedeeyay in Doorashada Dalka uu ku Hogaaminayo jiha Qaldan

0

Iyadoo Wali si aan Socod dheerayn ay wali dalka uga socoto doorasho ayaa waxaa isi sootaraya walaaca laga qaba si ay doorashada dalku ku soo gabagaboomikarto.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa carabka ku adkeeyay in waxa dalka kasocda aan doorasho lagu tilmaamikarin ee ay tahay xulasho iyo boob Waxaana ay sheegeen in gabi ahaanba uusan sax aheyn nidaamka ay madaxda Dowladdu doonayaan in ay u qabtaan doorashada.

Xildhibaan Zakariye maxamuud xaaji Cabdi oo kamid ah xildhibaanada barlamaanka waqtigoodu dhamaaday ayaa waxa uu ka hadlay arimo dhowr ah oo ku saabsan sida ay doorashada usocota iyo waxa ka qaldan Isagoo ku dhaliilay madaxweynaha dalka in uu wado qaldan oo mugdi ah uu ku hogaaminayo doorashada islamarkaasna waxa uu tilmaamay in aysan cidna ka qarsanayn sida ay doorashadu isubadashay iyo qaabka madaxweynuhu saameyn ugu yeeshay.

Xildhibaanka ayaana sheegay in qofka wax dooranaya lagu qasbayo in uu saxiixo shaqsi gooni ah loo tilmaamayo taasina ay ka baxsan tahay qaabka xuriyada doorashada Isagoo dhankale sheegay in uu aad uga baqayo waxa ka dhalan kara hadii doorashadu aysan sidaan kusii socoto.

Dhanakale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in uu loo baahanahay in doorashada laga dhigo mid hufan oo ay villa Soomaaliya ka deyso Faragalinta.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili Maalmihii dambe ay hakad gashay doorashada aqalka hoose oo si dardarleh ku bilaabatay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here