Dowladda Oo Sheegtay In Ay Fashiliyeen Qaraxyo

0

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddooyinka soo gala Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warkasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu sheegay Howlgalka oo saacado badan qaatay ay kaalin mug leh ka qaateen  Ciidanka Kumaandooska GORGOR, gaar ahaan Cutubka Miino baarista.

waxaana ay sheegeen in ciidanku miino baarista ka sameeyay inta u dhaxaysa degaannada Shamgare, Jowhar yareey, mubaarak iyo xaafadaha degmada Awdheegle.

Howlgalka ayaa waxaa Hogaaminayay Taliyaha Guutada 17-aad kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka gaarka ah ee Miino baarista kumaandooska GORGOR ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ay soo saareen Miinooyin dhowr ah, iyagoo qarxiyey qaar kale oo la sheegay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab ay ku aaseen waddooyinka.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ku Bogaadiyay Ciidanka Miino baarista GORGOR kaalinta ay ka qaateen fashilinta dhagartii ay Maleeshiyadu la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyerd.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here