Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Culus oo xalay saqdii dhexe markale dib uga bilowday Magaalada boosaaso ee Gobolka Bari.
Dagaalka ayaa waxa uu dhexeya Ciidamada Dowlad Puntland iyo Ciidamada Hay’adda PSFta iyadoona dagaalka laisku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan gaar ahaana Hobiyaasha.
Ila wareeyo lagu kalsoonankaro ayaa sheegay in uu jiro qasaaro kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasi oo ka dhashay dagaalka islamarkaasna aysan dhab ah u xaqiijin karin maadaama uu xiligu habeen ahaa.
Dagaalkaan dib u qarxay ayaa waxa uu ka dhiganyahay in la jabiyay xabad joojin ay keeneen isimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland taas oo Shalay labada dhinac ee dagaalamaya ay ku dhawaaqeen.
Muuqaalo dhowr ah oo dad shacab ah ay iska duubeen ayaa laga arkayay madaafiicda dagaalka oo guryaha ugu tagtay dad shacab ah islamarkaasna dhaliyay burbur xoogan iyo khasaaro.
Wararka ka imaanaya Magaala ayaa waxa ay haatan kusoo waramayaan in saaka uu barakac xoogan kasocodo magaalada islamarkaasna la maqlayo dhawaqa rasaas goos goos ah.
Wali majiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland oo looga hadlayo dagaalka xalay markale ka bilowday boosaaso iyo waxa sababay.
Iyadoona dhankale Taliska Hay’adda PSF-ta ay sheegeen in weerar khiyaano ah xalay lagu soo qaaday islamarkaasna looga baxay Balantii Xabad joojin.

