Ciidamada booliska dowlad goboleedka puntland ayaa waxa ay xalay howgalo qorsheysan ka fuliyeen xaafadaha qaar ee magaalada gaalkacyo
howlgaladaan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro dhaawacyo u badan kadib markii uu iska hor imaad xoogan dhexmaray ciidamada booliska iyo kooxo la sheegay in ay wateen waxyaabaha maanka dooriya
Qoraal kasoo baxay puntland ayaa lagu yiri sidatan
Ciidanka booliska Gobolka Mudug ayaa xalay hoelgal ay ka fuliyeen Magaalada Galkacayo waxay kusoo qabteen qeyb ka mid ah Agab isugu jira Hub,Gaadiid iyo Noocyo ka mid ah Maandooriyaha oo ay caawa ciidamada amaanka Gobolka Mudug gacanta ku dhigeen haraaga qaswadayaal caadeyste ah oo xilliyo kala duwan isku dayay inay abuuraan qas iyo falal lid ku ah amniga,intaas waxaa dheer in hawlgalka caawa lagu qabtey tirada illaa 8 ruux oo ka mid ah isla kooxdaas.
Shaki la’aan koox kasta oo ku lug leh si dhuumasho inay uga ganacsato maandooriyaha halista waxay xiriir dhaw la wadaagta cadowga duulaanka ku ah Nabada,Xasiloonida,Horumarka iyo Sareynta sharciga,balse ciidanka Amaanku waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka iyo beegsiga shaqsiyaadka lagu helo falalka noocaas ah.

