Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Dagaalyahanadda Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamadda Kenya ay ku leeyihiin Magaaladda Mandheere Ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.
Weerarkaan ayaa si gaar ah kaga dhacay inta u dhaxaysa tuulooyinka Sarmaan iyo Dhaaydhaay oo hoostaga degmada Ramo oo hoostaga gobolka Mandheera.
Sida la xaqiijiyay dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa weerarka fuliyay,waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadda dagaalamay.
Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in weerarka lagu dilay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Kenya,sidoo kalana askar kale lagu dhaawacay.
“Natiijada dagaalka ayaa noqotay in la jabiyo ciidanka Kenya ayna ka cararaan meydadka 3 askari sidoo kalana lagala wareego saanad hub ah” ayaa lagu yiri war ay baahisay warbaahinta Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Kenya oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay Magaaladda Mandheera.

