Muwaadin Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyooday Shil Oo ka Dhacay Koonfur Afrika

0
waxa goordhayd lasoo sheegay geerida muwaadin soomaaliyeed oo ku sugnaa gudaha wadanka koonfur afrika muwadinkaan oo ku dhintay shil gaari.
 Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Cabdullahi Kulane oo ku magac dheeraa (Madaxeey), ka mid ahaa dhalinyarada darawalada ah ee ka xeeya gawarida waaweyn.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday Shil gaari Truck ah oo isaga uu Darawal ka ahaa, shilkaasi oo ka dhacay Gobolka Mpumalanga ee Dalka Koonfur Afrika.
Warar ayaa sheegaya in muwaadinka soomaaliyeed uu kamid ahaa Dhallinyarada ugu caansan ee ku nool magaalada Johannesburg,
Ciidamada booliska koonfur afrika ayaa waxa ay sheegeen in hatan ay baarayaan wax sababay shilkaan oo la tilmaamay in ilaa iyo haatan aan la oagaan.
muwaadiniin badan oo soomaaliyeed ayaa ku sugan wadanka koonfur afrika kuwaas oo halkaasi ganacsiyo kala duwan ku leh ama ka shaqeysta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here