Xiriirka Kubbada Cagta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay Xiliga Uu Si Rasmiga ah ubilaabanayo Tartanka Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir
Guddoomiyaha Kubadda Cagta Gobolka Banaadir Xasan aadan Yabarow Wiilka ayaa shaaciyay in si rasmi ah tartankani u furmi doono maalin khamiista ah Taariikhduna ay ku beegantahay 25 bishani November
Tartankaan oo sanadkaan aad uxiisa badan waxa ka qeyb Dhamaan Degmooyinka kuyaal Gobolka banaadir iyo kuwo ka Baxsan Gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Degmooyinka Afgooye iyo Balcad
Sidookale Tartanka waxa sanadkaan ku cusub Deegaanada Hoosyimada Magaalada Muqdisho Ee kala ah Daaru-Salaam Garasbaaley iyo Deegaanka Gubadleey
Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Sanadkiiba marla qabtaa
Waxaana Tartaanka Sanadkii hore Qaaday oo Sanadkaan difaacanaysa Degmada Shangaani