Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qoysas xalay ku sumoobay Qeybo ka mid gudaha xaafado ka Tirsan Degmada Deyniile Ee Gobolkani Banaadir
Qoysaskaan ay sheegeen in ay sumoobeen caano ay cabeen
In ka badan 14 qof oo xaaladoodu liidato ayaa la dhigay isbitaal kuyaal Degmadaasi deyniile ee gobolkani Banaadir
Dadkaan sumoobay ayaa waxa ay ku noolaayeen xaafado kala gadisan oo ku yaal Degmada Gaar ahaana Xaafada gubta ciisa cabdi iyo xaafado kale
Dadkani ayaa intaasi kadib loo lacararay mi ka mid ah isbitaal ku yaal Degmada Deyniile
Dr Xaashi cali mire oo ka mid ah dhaqaatiurta isbitaal deegaan ee dadkaan la geeyay ayaa idaacada simba uga warbixiyay dadkaan caanaha ku suboobay iyo sida ay ula dacaaleen
Maxamed ciise oo ka mid ah qoysas dhibaatdu ay soo gaartay ayaa waxa uu sheegay in mudhkiladaan ay xalay arkeen islamarkaasna Ka Shakisan yihiin in dhibaatada ay caanaha kaga timid
Waxaana uu intaasi Raaciyay in dadku xaalada hada ay kasoo roonaanayso sidii hore
Dhacadadaan ayaa ah mid dhifyo naadir ah oo ka dhacda Xaafadaha qaar ee Muqdisho

