Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Galbahaareey ee gobolka Gedo.
War qoraal ah oo Al-Shabaab ay ku baahiyeen barahooda intarneetka ayaa waxa ay ku sheegeen in qarax miino ay la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka.
Al-Shabaab Oo marka hore sheegtay mas’uuliyadda qarax ayaa sheegay in qaraxa lagu gubay gaari Kooyal ah oo ay wateen ciidamada dowladda,
Sidookale alshabaab waxa ay sheegeen in qaraxa ay ku dileen Abaanduulihii ciidamada maamulka Garbahaarey oo lagu magacaabi jiray Cagdheer Deerow Macalin Quulle
Qaraxan khasaaraha dhaliyay ee gaariga looga gubay ciidanka dowladda ayaa yimid xilli saacadiihii lasoo dhaafay ay ciidanka dowladda howlgalo iyo dhaq dhaqaaqyo ka wadeen duleedka magaalada Garbahaarey islamarkaasna deegaano cusub oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ay la wareegeen.

