War qoraal ah oo kasoo baxay warbaahinta Dowladda ayaa waxa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda oo howlgalo culus ka fuliyay ay si nabdoon kula wareegeen deegaanno dhaca gobolka gedo oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 10-aad qeybta 43-aad ee gobalka Gedo ka howlgala ayaa la wareegay degaanka Tuulo Barwaaqo oo kamMid ah degaanada Ay Gacanta ku hayeen Al Shabaab ay heysteen ayaa lagu qoraalka ka soo baxay Dowladda
Waxaana intaasi lagu daray in tuuladani ay hoostagato Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.
Waxaa kaloo warka Dowladda lagu sheegay in Xaruntii Al Shabab ee Kabis ee ay ku laayeen deegaanaka ay ciidamada la waregeen iyada oo wax dagaal ah la kulmin.
Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada Dowladda ayaa howlgalo qorsheysan ka waday deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya
Waxaana ay sheegeen in Howlgaladaan ay yihiin kuwa ka dhan ah Alshabaab islamarkaasna amaanka lagu xaqiijinayo

