Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa waxa ay xalay laaleen kursigii ugu horeyay ee uu kusoo baxay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka
Waxaana ay shaaca ka qaadeen sababta rasmiga ah oo ay kursigaasi ay natiijadiisa u hakiyeen.
Guddiga ayaa sheegay in cabasho ay ka soo gaartay mid ka mid ah Musharaxiinta xubnaha gobolada waqooyi oo horay kursigaan ugu fadhiyay
Kursiga muranka xoogan uu ka taaganyahay ayaa sumadiisu tahay hop239 waxaana horay ugu fadhiyay xuseen carab ciise oo guddiga khilaafka dacwadaan ugudbiyay sida la tilmaamy
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Maxamed Ibraahim bare oo la hadlay idaacada simba ayaa waxa uu sheegay in ay jirto warqad ay si rasmi ah ugu hakiyeen natiijada kasoo baxday kadib markii ay cabasho kasoo gaartay
Waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda ay go,aan rasmi ah kasoo saari doonan
Doorashada Aqalka hoose oo dhawaan uun bilaabatay ayaa durbadiiba caqabado dhowr ah lugaha la gadhay
Waxaana jira walaac xoogan oo ku aadan inuu jiro boob ama ku shubasho

