Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatt waxa uu ka hor yimid Go,aankii Shalay ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka Ee ICJ ay Soomaaliya Ugu Xukmisay Kiiskii Dacwada Badda
Madaxweynaha kenya ayaa waxa uu si cad u sheegay in kenya aysa aqoonsanin xukunka Maxkamadda ICJ islamarkaasna aysan aqbalayn Waxkasta oo kasoo baxay.
Waxaana uu intaasi Raaciyay Hadal Caro Badan ka Muuqatay Oo Ku aadan In Xiriirka Soomaaliya iyo kenya Uusan Sidiisa Sii Ahaan Doonin
Ma aqbalayno mana aqoonsanin xukunka ka soo baxay Maxkamadda ICJ waana mid wiiqi doona xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya” Ayuu yiri madaxweynaha Kenya
Talaabada ay Qaaday kenya ayaa waxa ay ka dhigantahay in markale laisla Aadi Doono Golaha Amaanka Qaramada midoobe
Maadaama ay Maxkamadda ICJ ay Hoostagto Qaramada Midoobe Islamarkaasna uu jiro Sharci Dhigaya in Xukunka Maxkamadda Hadii uusan Hal Dal ku Qancin Si Toos ah Loo Geeynayo Golaha Amaanka Qaramada midoobe

