Kenya Oo Ciidamo Badan Geysay Xaafada Soomaalidu Ku Badantahay Ee islii

0

Dowladda kenya ayaa waxa ay Ciidamo Aad u farabadan dhoobtay xaafada islii oo ay soomaalidu ku badantahay halkaasi oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan isku soo baxayo waaweyn oo lagu taageerayo Go,aanka kiiska dacwada badda oo maanta lagu dhawaaqayo

Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan kenya ayaa waxa ay ka digeen in la sameeyo dabaaldagyo iyo isku soo baxyo laga yaabo in rabshado  ay ka dhashaan

Waxaana ay dadka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay guryahooda ku dabaal dagaan oo aysan sameeyn wax isku soo baxayo ah

Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in iskusoo baxyada ay ka dhalankaraan isku dhac ka qoomiyada ah taasina ay dhibaato badan dhalinkarto iyagoona ku celiyay in laga feejignaado banan baxayada iyo khatarta ka dhalanaysa

Maanta oo talaado ah ayaa maxkamada Cadaalada Adduunka Ee ICJ laga sugayaa in ay ku dhawaaqdo Go,aankeeda ugu dambeeyay ee muranka badda ee udheysa Soomaaliya iyo kenya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here