Shir Amniga Looga Hadlayay Oo Ka Dhacay Garoowe

0

Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland lagu qabtay shir ku saabsan Adkeynta amniga deegaanada Puntland

Waxaana shirka iskugu yimid masuuliyiinta ugu sareysa xaga amniga Puntland iyadoona shirka diirada lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa amniga Magaalooyinka Puntland

Si gaar ah shirka waxa looga wada hadlay sidii lagu sugi lahaa amniga doorashada heer faderaal oo ka dhacaysa Magaalooyinka qaar ee Puntland

Waxaana lagu lafa guray sida ugu fudud ee amniga doorashooyinka lagu sugikaro

Shirka saacado badan qaatay ayaa waxa lagu wadaa in laga soo saaro amro culus oo la xariira dhinaca amniga marka uu shirku soo gabagaboobmo.

Shirkaan ay yeesheen laamaha amniga Puntland ayaa waxa uu imaanayaa xili saacadihii lasoo dhaafay deegaanada Puntland ay ka dhacayeen falal amniga lidiga ku ah

<span;>Waxaana jirta in loo diyaar garoobaya doorashada Xildhibaannada Aqalka hoose ee barlamaanka soomaaliya kasoo galaya dhinaca Puntland taasi oo la filayo in ay ka qabsoonto laba magaalo oo ku yaal deegaamada Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here