Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka
Heer federaal ayaa waxa maanta lagu wada in ay gaaraan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Xubnaha Guddiga ayaa waxa ay u kuurgalayaan xaalada magaalada iyo suurtagalnimada in lagu qabankaro doorashada golaha shacabka oo dhawaan lagu wado in ay ka bilaabato dalka
Wararka aan helayno ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in xubnaha Guddiga Doorashooyinka heer fadaraal inta ay ku suganyihiin magaalada baladweyne ay kulamo kala duwan la qaadan doonan
Masuuliyiinta maamulka hirshabeele ee kusugan halkaasi
Waxaana ay qaadan doonan aragti lahubo oo ku aadan sidii magaalada looga hirgalin lahaa doorashada aqalka hoose ee barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Jadwalka Doorashooyinka dalka dhacaya ayaa waxa ku cad in doorashada lagu qabto Laba magaalo taasi oo kan dhigan in maamul walba uu laba magaalo ku qasbanyahay in doorashadooda uu ku qabto
Maamulka Hirshabeele oo muddoyinkii dambe la daalaa dhacayay khilaafyo hareyay ayaa waxa laga sugaya sidii uu laba magaalo doorashada uga hirgelin lahaa magaalooyinkaasi oo kala ah Baladweyne iyo Jowhar
Sidookale waxa jirtay in arinta magaalooyinka ay cabasho xoogan ka muujiyeen qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo sheegay in sababo amni awgeed aysan arintaasi usuurtagali karin
Balse wali cabashadaasi iyo kulamo ay ka yeesheenba lagama jawaabin taasi oo la macno ah in laba magaalo ka yar aan la aqbali doonin in maamulka walbaahiba uu doorashada ku qabto
Maamulada qaar magaalada laga doonayo in doorashada uu ka hirgaliyo gacantiisaba kuma jirto sida maamulka jubbaland oo magaalada labaad ee laga rabo in doorashada uu ku qabtaa ay tahay garbahaarey oo laga diidanayahay

