Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dil saacadiihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho looga geystay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda
Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in dilkaan ay geeysteen islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen dilka kadib
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka askarigaan ka tirsan Ciidamada Dowladda
War Alshabaab ay ku faafiyeen dhinaca intermeetka waxa ay ku sheeggeen in Askari katirsan ciidanka millatariga dowladda ay ku dileen xaafada dhagaxtuur ee degmada hodan
<span;>Alshabaab ayaa askariga la dilay magaciisa ku sheegay cabdi kuus
Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo dilka la sheegay in uu ka dhacay Magaalada Muqdisho

