Bananbaxyo looga Soo Horjeedo Somaliland Oo Maanta Ka Dhacaya Boosaaso

0

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay idaacada simba ayaa waxa ay sheegayaan in maanta Magaalada boosaaso ee Xarunta ganacsiga Maamulka Puntland ayaa maanta ka dhacayaan banan baxayo balaaran oo looga soo jorjeedo Ganacsatadii shalay soomaaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood

Banan baxayadaan ayaa waxa la sheegay in ay dhigayaan dad ganacsato ah kasoo jeeda deegaanada koonfur galbeed islamarkaasna kaasna ka xun falkii masafurinta ahaa ee ka dhacay Laascaanood

Qaar ka mid ah ganacsatada Magaalada boosaaso oo xalay kulan xasaasi ah yeehay ayaa waxa la sheegay in ay ku go,aamiyeen in maanta ay dhigaan banan baxayo ay uga soo horjeedaan Falkii ciidamada soomaaliland ay shalay dad ganacsato ah oo kasoo jeeda koonfur galbeed uga masaafuriyeen Magaalada Laascaanood

Wararka ayaa sheegaya in dadkii shalay maasaafuriyay ay gaareen Magaalada burtile ee gobolka nugaal halkaasi oo la sheegay in lagu soo dhaweyay

Dowladda Faderaalka Ah iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyagu si kulul uga hadlay arinta masaafurinta ganacsada ee shalay ka dhacday Magaalada Laascaanood Ee Gobolka Sool

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here