Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa lagu soo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay ay gudaha dalkaasi ay ku dileen wiil dhalinyaro oo soomaali ah

wiilka la dilay ayaa waxa la sheegay in uu ka mid ahaa ganacsatada soomaaliyeed ee ku ganacsata gudaha dalkaasi koonfur afrika

Waxaana muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay magaciisa lagu sheegay axmed iyadoona la dilay xili uu ku sugnaa gudaha goobtiisa ganacsi

dilka muwaadinka soomaaliyeed ayaa yimid kadib markii rag hubeysan ay weerar kusoo qaadeen dukaanka muwaadinka soomaliyeed

waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen uu ku geeriyooday

mid ka mid ah muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsada koonfur afrika ayaa waxa uu sheegay in wiilka soomaaliyeed iyo haweeney la shaqeynaysayba ay ku dhinteen weerar kooxda burcada ay kuqaadeen dukaanka uu lahaa muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay

waxaana uu intaasi kudara in burcadu ay dheceen Lacag iyo agab fara badan oo yiilay dukaanka

ciidamada booliska koonfur afrika ayaa waxa la sheegay in haatan ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan ragii burcada ahaa ee dilkaasi ka dambeeyay

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here