Wasiirka wasaarada Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiskiisa uu ku booqday.
Kulanka ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim u ah isku socodka dadka ee labada dal ,waxaana laga soo saaray in siyaasadaha kor loogu qaadi karo iskaashiga laba dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya ee gudbinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.
Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal
Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay.
Duqeymaha Diyaaradaha dowlada kenya ka fulinayaan gudaha degaano hoostaga gobolka gedo ayaa cabsi xoogle ku abuurtay dadka rayidka ee ku sugan gedo
Iyadoona xiriirka laba dowlad ee kenya iyo soomaliya uu muddoooyinkii dambe xumaa taas oo loo sababaynayo sheegashada Kenya ee lahaan shaha qeybo ka mid ah biyaha somaliya

